Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Todobaadkan

Halyeygii Alan Shearer ee kooxda Newcastle United ayaa wadaagay saadaashiisa ku saabsan kulamada usbuuca 35-aad ee Premier League.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa noqon doona safarka Liverpool ay ku tagayaan Manchester United, iyadoo labada kooxood ay wali isku dayayaan inay xaqiijiyaan u soo bixitaanka Champions League.

Arsenal waxay noqon karaan lix dhibcood hoggaanka haddii ay ka adkaadaan Fulham, laba maalmood ka hor inta Manchester City aysan u safrin Everton.

Shearer ayaa u sheegay BetFair:

“Arsenal vs Fulham – Saadaal: Arsenal ayaa badinaysa.

“Manchester United vs Liverpool – Saadaal: Barbaro.

“Chelsea vs Nottingham Forest – Saadaal: Barbaro.

“Everton vs Manchester City – Saadaal: Manchester City ayaa badinaysa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga