Weeraryahanka Real Madrid iyo xulka France, Kylian Mbappé, ayaa ka hadlay sida uu dareemi doono haddii uusan ku guuleysan abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo qirtay in guuldarradu ay saameyn doonto dhinaciisa tartanka, Mbappé wuxuu ka mid yahay 30-ka ciyaaryahan ee loo magacaabay musharraxiinta abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.
Isagoo wareysi siinayay idaacadda RFI, Mbappé ayaa sheegay inuusan qarin doonin niyad-jabka haddii abaalmarinta laga siiyo ciyaaryahan kale, Wuxuu yiri:- “Dabcan waan niyad-jabi doonaa haddii aanan ku guuleysan Ballon d’Or, Qofka tartamaya mar walba wuu niyad-jabaa marka uusan guuleysan. Waa ruuxdayda tartanka oo taas ay saameyn doonto wax kasta ka badan.”
Mbappé ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay inuu soo qaatay sanad wanaagsan oo shaqsi ah, isagoo si gaar ah u tilmaamay tirada goolasha uu dhaliyay, Hadalladan ayaa imaanaya xilli Mbappé uu haatan ku sugan yahay xerada xulka qaranka France, isagoo halkaas kula jooga saaxiibkiis iyo xiddiga Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé.
Labada ciyaaryahan ayaa hore ugu jiray hadallo iyo dood ku saabsan tartanka Ballon d’Or, balse haatan waxay si wadajir ah uga tirsan yihiin xulka France, Abaalmarinta Ballon d’Or 2026 ayaa lagu dhawaaqi doonaa magaalada London 26-ka October 2026.
Be the first to comment