Kooxda Manchester United ayaa dhaleeceyn kala kulantay qaab ciyaareedkeedii kulankii ay barbaraha 1-1 la gashay Fulham, kaddib markii la sheegay in ciyaartoydeedu ay sameeyeen masaafo orod oo 6.5 kiiloomitir oo ka yar tan kooxda martida loo ahaa ku dhammaysteen kulanka.
Sida uu wargeyska The Sun ka soo xigtay xogta FotMob, ciyaartoyda Manchester United ayaa guud ahaan oradkooda uu ahaa 110.2 kiiloomitir, halka ciyaartoyda Fulham ay ordeen 116.7 kiiloomitir.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Fulham ay ka badnaayeen United marka la eego orodka degdegga ah, isla markaana ay sameeyeen 10 orod oo dheeraad ah, Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa ku adkaystay inaysan jirin dhibaato la xiriirta dadaalka iyo ciyaartoydiisa, inkastoo kooxdiisu ay dhibco lumisay, United ayaa dhibic ka badbaadsatay kulanka kaddib markii Matheus Cunha uu daqiiqaddii 89-aad dhaliyay goolka barbaraha ah , taasoo ka dambaysay gool uu iska dhaliyay Lisandro Martínez.
Dhanka kale, halyeeyga kooxda, Gary Neville, ayaa si adag u dhaleeceeyay ciyaartoyda, isagoo sheegay in kooxdu aysan ku filnayn marka ay kubadda haysan weydo, gaar ahaan qaybtii labaad ee ciyaarta, Neville ayaa sidoo kale sheegay in haddii qaab ciyaareedyada noocan ahi sii socdaan, cadaadis uu ku imaan karo Carrick, inkastoo uusan sheegin in hadda uu jiro qorshe degdeg ah oo tababaraha shaqada looga qaadayo.
Manchester United ayaa hadda haysata fasax dheer oo caalami ah, kaas oo Carrick uu fursad u heli doono inuu dib u qiimeeyo qaab ciyaareedka kooxdiisa iyo sida ay u wajahayso kulamada soo socda.
Be the first to comment