YAMAL oo fariin aan caadi aheyn diray Real Madrid uguna hanjabay Classico ….

Xiddiga Barcelona Lamine Yamal ayaa si cad u sheegay inuu jeclaan lahaa in Barcelona iyo Real Madrid ay isku wajahaan Champions League, kulan uu ku tilmaamay mid u eg “dagaal”.

Yamal oo la hadlay Movistar ayaa yiri: “Waxaan rabaa inaan Real Madrid ku wajahno Champions League, Horay uma aysan dhicin.”

Xiddiga reer Spain ayaa sheegay inuu si gaar ah u jeclaan lahaa in kulankaas uu qabsoomo, maadaama El Clásico uu leeyahay xamaasad iyo tartan aan caadi ahayn:- “Waxaan jeclaan lahaa in kulankaasi dhaco, sababtoo ah El Clásico wuxuu la mid yahay dagaal.”

Hadalka Yamal ayaa sii hurinaya xiisaha ku saabsan suurtagalnimada El Clásico Champions League, iyadoo labada kooxood ay taariikh dheer oo xafiiltan ah ku leeyihiin kubadda cagta Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga