Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo nooleeyeen xiisihii ay u qabeen daafaca dhexe ee Everton, Jarrad Branthwaite, iyadoo kooxda Old Trafford ay qorsheyneyso inay xoojiso difaaceeda sannadka 2027, Bilowga xilli ciyaareedka cusub ayaa Manchester United u ahaa mid aan joogto ahayn, iyadoo kooxda ay laga badiyay laba ka mid ah afartii kulan ee ugu horreeyay Premier League. Inkastoo ay Champions League ku garaaceen Sabah 4-0, haddana difaaca kooxda ayaa weli muujinaya daldaloolo, waxaana afartii kulan ee horyaalka laga dhaliyay 7 gool.
Warbixintu waxay sheegaysaa in United ay muddo dheer xiiseynaysay Branthwaite, waxaana hadda mar kale loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyada muhiimka ah ee kooxda.
Branthwaite, oo hadda 24 jir ah, ayaa weli heshiis kula jira Everton ilaa xagaaga 2030, kaddib markii uu saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah wax ka badan 12 bilood ka hor, Taasi waxay Everton siinaysaa awood ay kaga gorgortamaan qiimaha daafaca, maadaama aysan jirin cadaadis degdeg ah oo ku qasbaya inay iibiso. Haddii Manchester United ay rabto inay la soo saxiixato, qiimaha iyo rabitaanka ciyaaryahanka ayaa noqon kara arrimo muhiim ah.
United waxay haatan haysataa daafacyo dhexe oo ay ka mid yihiin Harry Maguire, Lisandro Martinez, Leny Yoro, Ayden Heaven iyo Matthijs de Ligt. Si kastaba, dhaawacyo soo noqnoqday ayaa saameeyay xulashada daafaca kooxda.
De Ligt ayaa muddo dheer maqnaa sababo la xiriira dhaawac dhabarka ah, inkastoo uu hadda ku dhow yahay inuu dib ugu soo laabto ciyaaraha, Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in Manchester United ay qorsheyneyso dib-u-habeyn weyn oo ku saabsan daafaceeda.
Sida lagu sheegay wararka, Harry Maguire, Lisandro Martinez iyo Luke Shaw ayaa dhammaantood laga yaabaa inay kooxda ka tagaan marka heshiisyadoodu dhacaan xagaaga, Haddii saddexda ciyaaryahan ay dhab ahaan baxaan, Manchester United waxay u baahan doontaa inay si weyn u xoojiso safkeeda dambe, taasoo Branthwaite ka dhigi karta mid ka mid ah ciyaartoyda ay kooxda si gaar ah u doonayso.
Be the first to comment