Vinicius Junior oo digniin u diray Atletico Madrid ka hor derby-ga Madrid

Xiddiga Vinícius Júnior ee kooxda Real Madrid ayaa fariin xamaasad leh u diray Atletico Madrid, kadib markii uu Real Madrid guul adag ka gaartay Elche kulankii La Liga, Real Madrid ayaa xalay 3-2 kaga adkaatay Elche, ciyaar ka tirsanayd wareegga 6-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/27. Vinicius ayaa ciyaarta qayb ka ahaa, balse ma uusan dhalin gool, mana sameyn caawin.

Inkasta oo uusan gool ama caawin sameyn, Vinicius ayaa fursado dhowr ah helay, balse nasiibkiisu ma fiicnayn, waxaana uu kulanka ku soo gabagabeeyay isagoo aan shabaqa taaban, Kadib ciyaarta, Vinicius ayaa bartiisa Instagram-ka ku qoray fariin muujinaysa inuu kalsooni ku qabo inuu dhawaan dib ugu laaban doono gooldhalinta.

Xiddiga reer Brazil ayaa yiri: “Goolashaydu dhawaan ayay soo laabanayaan,  Ma sii khasaarin karo dhammaan fursadahan! Axadda wax badan ayaa imanaya. Hala Madrid.”

Fariintan ayaa timid iyadoo Real Madrid ay isku diyaarinayso mid ka mid ah kulamada ugu weyn ee xilli ciyaareedka, Real Madrid ayaa Axadda booqan doonta deriskeeda Atletico Madrid, iyadoo labada kooxood isku wajihi doonaan kulanka Madrid Derby-ga oo ka tirsan wareegga 7-aad ee La Liga, Vinicius ayaa kulankaas fursad u heli doona inuu jawaab ka bixiyo kulankii Elche ee uusan gool dhalin, iyadoo fariintiisa ay muujinayso inuu doonayo inuu si gaar ah ugu diyaar garoobo derby-ga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyadoo ka heshay saddex dhibcood Elche, halka Atletico Madrid ay iyaduna isku diyaarinayso inay gurigeeda ku wajahdo kooxda ay xafiiltamaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga