Mourinho oo si caro leh uga falceliyey bandhigii kooxdiisa aykaga hortagtay Elche

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Elche, kaddib markii ay 3-2 kaga adkaatay ciyaar ka tirsanayd kulankii 6-aad ee La Liga, Ciyaarta ayaa u muuqatay mid Real Madrid si fudud ku maamulan karto, balse Elche ayaa qeybtii labaad dib ugu soo laabatay ciyaarta, taas oo sababtay in Real Madrid ay wajahdo daqiiqado adag, Tababaraha Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa ciyaarta kaddib ka hadlay qaabkii ay kooxdiisu u ciyaartay, isbeddelladii uu sameeyay iyo sababta Elche ay fursad ugu heshay inay ciyaarta dib ugu soo laabato.

Mourinho ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsanaa ay ahayd in kooxdiisu hesho saddexda dhibcood:- “Waa saddex dhibcood, intaas oo keliya. Kadib qeybtii hore waxaan dhammaanteen dareemeynay in qeybta labaad ay iman doonaan saddex, afar ama xitaa shan gool, laakiin waxaan hoos u dhignay heerkii ciyaarta, waxaana siinay Elche meelo badan,” ayuu yiri Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale sharxay sababta uu u soo geliyay Jude Bellingham iyo Brahim Diaz, Wuxuu sheegay in ujeeddadiisu ahayd inuu xasiliyo khadka dhexe, maadaama Vinicius Junior iyo Arda Guler ay dareemayeen daal, Laakiin xilli uu isku dayayay inuu khadka dhexe xasiliyo, Elche ayaa dhalisay gool ay ku yareysatay farqiga, iyadoo ciyaartu noqotay 2-1.

Mourinho ayaa sheegay in kooxaha garoomada noocan oo kale ah ay mararka qaar si lama filaan ah ugu soo laaban karaan ciyaarta:- “Koox u muuqata inay gabi ahaanba is dhiibtay waxay hal daqiiqo gudaheed dib ugu soo laaban kartaa ciyaarta, Kadib waxay heleen goolka barbaraha, waxaana noqotay 2-2,” ayuu yiri.

Mourinho ayaa qirtay inuu diyaar u ahaa inuu qaato khatar weyn si Real Madrid ay u hesho saddexda dhibcood:- “Waxaan aqbalay heerka ugu sarreeya ee khatarta, sababtoo ah barbaraha nama filneyn,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in goolka guusha uu yimid kadib falcelin xooggan oo ay sameeyeen ciyaartoyda Real Madrid, kuwaas oo dareemayay inaysan awoodin inay lumiyaan dhibco kale.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay ciyaartu noqotay mid aad u kacsan, balse Real Madrid ugu dambeyn waxay heshay goolka guusha.

Mourinho wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatada uu ku arkayo kooxdiisa, taas oo ah inay mararka qaar awooddo inay ciyaarta si hore ah u soo afjarto, balse aysan ka faa’iideysan fursadaha ay hesho, Wuxuu sheegay in marka kooxdu ay ku guuldareysato inay ciyaarta xilli hore soo xirto, ay xaaladdu si lama filaan ah isu beddeli karto.

“Waxaan siinay koox u muuqatay inay is dhiibtay fursad ay ciyaarta nagu adkeyso, Waxaan nafteena gelinay xaalad aan ku lumin karno laba dhibcood,” ayuu yiri Mourinho.

Wuxuu intaas ku daray in marka ciyaartu u muuqato mid sahlan, ciyaartoydu mararka qaar hoos u dhigi karaan dadaalka, taasna ay keeni karto in kooxda ay lumiso xakamaynta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga