Arsenal oo hogaanka sii dheereysatay kadib markiiay garaacday kooxda Sunderland ..

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Sunderland, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay kulankii ka tirsanaa wareegga afaraad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-0, iyadoo labada kooxood ay ku adkaatay inay abuuraan fursado halis ah oo ay gool ku dhaliyaan.

Sunderland ayaa heshay fursad weyn bilowgii qeybtii labaad, kaddib markii loo dhigay rigoore daqiiqaddii 56-aad. Si kastaba, goolhaye David Raya ayaa si heer sare ah u badbaadiyay gool kulaadkii Enzo Le Fée, isaga oo Arsenal ka badbaadiyay inay gool laga hormaro.

Laba daqiiqo kaddib, Arsenal ayaa jawaab degdeg ah bixisay, waxaana Bruno Guimarães uu dhaliyay goolka koowaad ee Gunners, taasoo ciyaarta siisay jihada Arsenal doonaysay, Sunderland ayaa daqiiqadihii dheeriga ahaa xaalad adag gashay, kaddib markii Reinildo Mandava kaarka cas qaatay daqiiqaddii 96-aad. Arsenal ayaa sidoo kale heshay rigoore, waxaana si kalsooni leh u dhaliyay Bukayo Saka, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Guushan ayaa Arsenal gaarsiisay 12 dhibcood, waxaana ay sidaas ku qabatay booska koowaad ee kala sarreynta Premier League, Dhanka Sunderland, kooxda ayaa weli leh 4 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 14-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga