WAR CULUS :- Manchester United oo xaqiijisay kooxdeeda Premier League – Dorgu ayaa laga yaabaa inuu xalliyo dhibaatada daafaca bidix

Manchester United ayaa xaqiijisay liiska ciyaartoyda ay u gudbisay Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo kooxda ay weli wajahdayso su’aal weyn oo ku saabsan booska daafaca bidix, kooxda ayaa xagaagan si weyn u xoojisay khadka dhexe, waxaana saxiixii ugu dambeeyay ee waaweynaa noqday Carlos Baleba, kaas oo Brighton kaga yimid heshiis ku kacaya £70 milyan.

 Dhibaatada daafaca bidix

United waxay isku dayday inay hesho daafac bidix cusub kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, iyadoo Lewis Hall uu ka mid ahaa bartilmaameedyada kooxda, balse heshiiskaasi ma dhicin.

Sidaas darteed, Luke Shaw ayaa weli loo arkaa xulashada koowaad ee booskaas.

Laakiin kooxda ayaa sameysay tallaabo muujinaysa in Patrick Dorgu loo diyaarin karo inuu noqdo xal kale. Dorgu waxaa lagu daray liiska isagoo ah daafac, inkastoo xilli ciyaareedkan uu marar hore uga ciyaaray meel ka sarreysa garoonka.

Rashford ayaa kooxda ku jira

Marcus Rashford ayaa sidoo kale ku jira liiska kooxda kadib markii Barcelona aysan ka dhigin heshiiskiisii amaahda mid rasmi ah.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xiddigaha cusub sida Carlos Baleba, Andrey Santos iyo Youri Tielemans, iyadoo Manuel Ugarte lagu daray inkastoo uu weli kasoo kabanayo dhaawac jilibka ah.

 Liiska Manchester United

Goolhayayaal: Karl Darlow, Tom Heaton, Senne Lammens, Dermot Mee.

Daafacyo: Patrick Dorgu, Diogo Dalot, Matthijs de Ligt, Harry Maguire, Lisandro Martinez, Noussair Mazraoui, Luke Shaw.

Khadka dhexe: Carlos Baleba, Bruno Fernandes, Mason Mount, Andrey Santos, Youri Tielemans, Manuel Ugarte.

Weeraryahanno: Amad Diallo, Matheus Cunha, Bryan Mbeumo, Marcus Rashford, Benjamin Sesko, Joshua Zirkzee.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga