Weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison ayaa laga reebay liiska 25-ka ciyaaryahan ee Tottenham u diiwaangelisay Premier League xilli ciyaareedkan, taasoo muujinaysa in tababare Roberto De Zerbi uusan qorshihiisa ku jirin, Richarlison ayaa xilli ciyaareedkii hore Tottenham u ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Premier League, isagoo dhaliyay 11 gool, balse hadda wuxuu wajahayaa xaalad adag kadib markii uu kooxda ka dalbaday inuu ka tago.
Tottenham iyo kooxdiisii hore ee Everton ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen lacag dhan £35 milyan, laakiin heshiiska ayaa fashilmay kadib markii Richarlison iyo Everton ay ku heshiin waayeen shuruudaha shaqsiga ah, Richarlison ayaa kadib baraha bulshada ku muujiyay caro xooggan, isagoo sheegay in mustaqbalkiisa uusan mar dambe qof kale go’aamin doonin. Wuxuu sidoo kale caddeeyay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu laabto Everton.
Kooxda Turkiga ee Trabzonspor ayaa hadda ah meesha ugu weyn ee laga yaabo inuu u dhaqaaqo Richarlison. Wararka ayaa sheegaya inuu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda, halka Trabzonspor ay isku dayayso inay Tottenham ka dhaadhiciso qiimaha ciyaaryahanka, warbixinno kale ayaa sheegaya in Trabzonspor ay hore u dirtay dalabyo dhan £15 milyan iyo £20 milyan, kuwaas oo Tottenham diiday, iyadoo dalab cusub la filayo.
Haddii heshiisku dhaco, Richarlison wuxuu ku biiri karaa Mohamed Salah oo xagaagan ku biiray Trabzonspor, suuqa kala iibsiga ee Turkey wuxuu xirmayaa Jimcaha 4 September, sidaas darteed Trabzonspor waxay haysataa waqti aad u kooban oo ay ku dhamaystirto heshiiska.
Haddii heshiis la waayo, Richarlison wuxuu halis ugu jiraa inuu Tottenham ku sii nagaado isagoo aan ka mid ahayn kooxda Premier League, ilaa suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Be the first to comment