Enzo Fernández ayaa fariin dheer oo qiiro leh u diray taageerayaasha Chelsea, taasoo sii xoojinaysa wararka sheegaya inuu ka tagayo kooxda London, isla markaana uu ku biirayo Manchester City, xiddiga reer Argentina ayaa baraha bulshada ku qoray fariin uu ku macsalaameynayo Chelsea, isagoo sheegay in go’aanka bixitaanku uusan ahayn mid fudud.
Fernández ayaa Chelsea ku tilmaamay koox uu si weyn ugu xirnaa, isagoo sheegay in Cobham iyo Stamford Bridge ay isaga iyo qoyskiisa muddo saddex sano ah guri u noqdeen, wuxuu xusay inuu kooxda ula soo maray waqtiyo adag, guulo, guuldarrooyin, caro iyo farxad, balse uu mar walba lahaa rabitaan ah inuu Chelsea kula guuleysto koobab badan.
“Chelsea mar walba waxay ku jiri doontaa xusuustayda, waxaana ka sii muhiimsan inay qalbigayga ku jiri doonto,” ayuu fariintiisa ku sheegay, Enzo ayaa sidoo kale u mahadceliyay maamulka Chelsea, tababarayaasha, shaqaalaha caafimaadka, dhakhaatiirta jimicsiga iyo dhammaan dadka ka shaqeeya xarunta Cobham.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay saaxiibbadiisii kooxda, isagoo sheegay inuu ku faraxsanaa waqtiyadii uu Chelsea la qaatay, isla markaana uu u rajeynayo kooxda mustaqbal wanaagsan, Sida ay wararku sheegayaan, Manchester City ayaa ku dhow inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa Enzo Fernández.
Wariyaha suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in qiimaha heshiisku uu ka badan yahay £125 milyan, kadib wada-hadallo dheer oo dhexmaray labada kooxood, Chelsea ayaa ugu dambeyn ogolaatay inay iibiso ciyaaryahanka, inkastoo waqtiga fariintan la qorayay aan weli lagu dhawaaqin heshiiska rasmiga ah.
Haddii heshiisku si rasmi ah u dhaco, Enzo Fernández wuxuu Chelsea kaga tagayaa kadib saddex sano oo uu kooxda muhiim uga ahaa, isagoo hadda wajihi doona cutub cusub oo Manchester City ah.
Be the first to comment