DEG DEG DHARBAAXO KULUL Heshiiskii Camara ee chelsea ugu biiri lahaa oo bur buray !

Heshiiskii Lamine Camara uu ugu wareegi lahaa Chelsea ayaa la sheegay inuu burburay kadib markii AS Monaco ay ka laabatay heshiiskii qoraalka ahaa ee ay labada kooxood horey u gaareen.

AS Monaco ayaa joojisay heshiiska Camara-Chelsea iyadoo isla waqtigaas sii wadda qorshaha ay Folarin Balogun ugu iibinayso Everton, Chelsea ayaa si weyn uga carootay tallaabada Monaco, waxaana kooxda reer London ay u aragtaa habka loo maareeyay arrintan mid aan xirfad iyo anshax ganacsi lahayn.

Labada kooxood ayaa horey u lahaa heshiis qoraal ah oo ku saabsan Camara, balse Monaco ayaa ugu dambeyn go’aansatay inay ka laabato.

Hadda waxaa taagan jahwareer ku saabsan mustaqbalka Lamine Camara, iyadoo Chelsea ay isku dayeyso inay fahanto sababta heshiiskii hore loo jebiyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga