Andrea Pirlo oo laga laabtay magacaabistiisii tababaraha cusub ee xulka qaranka Talyaaniga

Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa si rasmi ah uga laabtay qorshihii lagu magacaabi lahaa halyeeyga Talyaaniga Andrea Pirlo inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka. Inkastoo la filayay in heshiiska la saxiixo saacadaha soo socda, haddana arrintaas ayaa hakad la geliyay.

Go’aanka ayaa waxaa qaatay madaxweynaha xiriirka, Giovanni Malagò, kaasoo diiday in la sii wado saxiixa heshiiska kadib markii la ogaaday in Pirlo uu xiriir ganacsi la leeyahay shirkad sharadka ciyaaraha oo laga leeyahay Ruushka.

Xiriirka ayaa u arkay in iskaashigaas uu dhaawici karo sumcadda xulka qaranka iyo xiriirka kubadda cagta Talyaaniga, sidaas darteedna wuxuu go’aansaday in gebi ahaanba la joojiyo magacaabista Pirlo.

Go’aankan ayaa ka dhigan in xulka Talyaanigu uu weli sii wadi doono raadinta tababare cusub oo hoggaamiya kooxda qaranka, halka Andrea Pirlo uu seegay fursad uu ku noqon lahaa macallinka Azzurri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga