Xiddiga Barcelona, Raphinha, ayaa faahfaahin ka bixiyay dabaaldegii uu sameeyay kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kulankii ay Barcelona 5-0 kaga adkaatay Elche, ciyaartii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka cusub ee La Liga 2026/27.
Raphinha ayaa kulankaas sameeyay laba gool, isagoo sidoo kale markii ugu horreysay si rasmi ah u noqday kabtanka koowaad ee Barcelona waxa uu yiri :- Raphinha: “Elche arrimaha nooma fududeyn”
Raphinha ayaa sheegay in natiijada 5-0 aysan si buuxda uga tarjumayn sida ciyaartu ahayd:- “Dhibku ma ka yaraa intii la filayay? Waxay ku xiran tahay annaga. Haddii aan ciyaarta ku bilowno sida ugu wanaagsan, wax walba way fududaanayaan.”
Wuxuu intaas ku daray in Elche aysan Barcelona waxba u fududeyn, gaar ahaan maadaama ay si wanaagsan kubadda u haysatay, Raphinha wuxuu yiri Barcelona waxay si fiican u ciyaartay laga bilaabo bilowgii ciyaarta, balse haddii labada kooxood midkood uu si weyn u helo kubadda, kooxda kale waxay la kulmaysaa dhibaato badan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kulaylka uu saameyn ku yeeshay ciyaarta, isla markaana natiijada 5-0 aysan si dhab ah u muujin dhibtii ay Barcelona kala kulantay Elche.
Markii Raphinha la weydiiyay haddii Barcelona u baahan tahay weeraryahan dhexe oo dabiici ah, wuxuu sheegay in go’aankaas uu gacanta ugu jiro madaxda kooxda, wuxuu tilmaamay madaxweyne Joan Laporta, agaasimaha ciyaaraha Deco iyo tababaraha, isagoo sheegay in ciyaartoydu ay diyaar u yihiin inay raacaan go’aanka maamulka iyo tababaraha.
Raphinha wuxuu sidoo kale sheegay in Barcelona ay leedahay ciyaartoy awood u leh inay ka ciyaaraan boosas kala duwan, markii la weydiiyay haddii isaga laftiisa uu isu arko weeraryahan dhexe, Raphinha wuxuu ku jawaabay: “Garoonka dhexdiisa waxaan dareemayaa raaxo.”
Qodobka ugu weyn ee hadalka Raphinha wuxuu ahaa dabaaldegii uu sameeyay kadib goolkiisa, Raphinha ayaa u dabaaldegay qaab u eg Spider-Man, taasoo dhalisay hadal-heyn badan.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa dabaaldegaas la xiriiriyay Julian Álvarez, oo ah weeraryahanka Atlético Madrid, kaas oo si weyn loogu yaqaan naanaysta “Spider” (Caaro).
Arrintan ayaa si gaar ah xiiso u yeelatay iyadoo ay taagan tahay xiisaha Barcelona ee ku aaddan saxiixa Julian Álvarez, laakiin Raphinha ayaa meesha ka saaray fasiraadahaas, isagoo bixiyay sababta dhabta ah ee dabaaldega.
Wuxuu yiri: “Dabaaldeggayga? Wiilkayga ayaan u sameeyay. Wuxuu iga codsaday inaan sidaas sameeyo, sababtoo ah aad ayuu u jecel yahay qofka Spider-Man.”
Sidaas darteed, Raphinha wuxuu caddeeyay in dabaaldegga Spider-Man uusan wax xiriir ah la lahayn Julian Álvarez ama wararka ku saabsan inuu Barcelona ku biiro, balse uu ahaa codsi uu ka helay wiilkiisa.
Be the first to comment