Barcelona ayaa farxad weyn ku bilowday xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay 5–0 ku xasuuqday Elche, laakiin guushaas waxaa hadheeyay dhaawac soo gaaray khadka dhexe ee kooxda, Javi, cyaaryahanka reer Spain ayaa dhaawacmay qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu isku dhac dhex maray isaga iyo ciyaaryahan Elche ah, waxaana markiiba laga dareemay xanuun dhanka lugta iyo jilibka midig ah.
Gavi ayaa isku dayay inuu ciyaarta sii wato, balse xanuunka ayaa ku adkaaday, waxaana uu fariistay garoonka isagoo gacanta ku haya jilibkiisa midig, tababare Hansi Flick ayaa markaas qasab ku noqotay inuu ciyaaryahanka beddelo, waxaana booskiisa soo galay Pedri ka hor dhammaadka qaybtii hore.
Waxa Barcelona si gaar ah uga walaacsan meesha uu dhaawacu ka dhacay, maadaama uu yahay jilibkii midig ee Javi hore uga soo gaaray dhaawac culus sanadkii 2023, kaas oo ahaa jeex ku yimid seedda hore ee jilibka (ACL) iyo dhaawac ku dhacay meniscus-ka, dhaawacaas hore ayaa Javi ka maqneysiiyay garoomada muddo dheer, sidaas darteed dhaawacan cusub wuxuu si gaar ah walaac ugu abuuray kooxda iyo taageerayaasheeda.
Gavi laftiisa ayaa kadib ciyaarta sheegay in dhaawacu markii hore ka bilaabmay lugta balse uu xanuunku gaaray jilibka, isagoo qirtay inuu walaacsan yahay, Barcelona ayaa hadda sugaysa baaritaannada caafimaad iyo sawirrada loo sameynayo ciyaaryahanka si loo ogaado sida uu dhaawacu u culus yahay iyo muddada uu garoomada ka maqnaan karo.
Sidaas darteed, inkastoo Barcelona ay Elche ku garaacday shan gool oo nadiif ah, haddana indhaha taageerayaasha ayaa hadda ku jeeda xaaladda Gavi, iyadoo la sugayo natiijada baaritaannada caafimaad ee go’aamin doona haddii dhaawacu yahay mid fudud ama uu noqon karo dhaawac kale oo muddo dheer kooxda ka maqnaansho sababa.
Be the first to comment