Tababaraha cusub ee Liverpool, Andoni Iraola, ayaa sheegay inuu filayo in weeraryahanka Alexander Isak uu xilli ciyaareedkan noqdo ciyaaryahan dhammaystiran, halka halyeeygii hore ee Liverpool, Stan Collymore, uu Florian Wirtz ku booriyay inuu si weyn u saameeyo kulamada.
Isak ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis gaaraya £130 milyan, balse xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield ma noqon mid wanaagsan, dhaawac lugta ah ayaa saameeyay, waxaana uu dhaliyay kaliya 4 gool 22 kulan, isagoo 12 jeer kusoo bilowday.
Hadda Isak wuxuu isku diyaarinayaa inuu markii ugu horreysay Liverpool kula laabto Newcastle, kooxdii uu hore uga tirsanaa, waxaana la filayaa inuu la kulmo soo dhaweyn adag oo ka timaadda taageerayaasha Newcastle.
Iraola ayaa aaminsan in Isak uu awood u leeyahay inuu dib ugu laabto heerkii uu ku caanbaxay Newcastle, halkaasoo uu saddex xilli ciyaareed ku dhaliyay 62 gool.
Tababaraha Liverpool wuxuu sheegay in Isak uu hadda si wanaagsan u tababaranayo, uuna si tartiib ah u kordhinayo daqiiqadaha uu ciyaarayo laakiin Iraola wuxuu sheegay in waxa ugu badan ee uu Isak kala shaqeynayo aysan ahayn oo keliya gooldhalinta, balse ay tahay sida uu kooxda uga caawin karo kubadda marka Liverpool haysato iyo marka aysan haysan.
Isak waxaa laga doonayaa inuu booskiisa u isticmaalo inuu difaacyada kala furo, meel bannaan u abuuro ciyaartoyda kale, isla markaana uusan ku koobnaan inuu kaliya sugto kubadda si uu gool u dhaliyo.
Wirtz oo Liverpool ugu yimid ku dhowaad £100 milyan ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku dhibtooday inuu si joogto ah u muujiyo tayadiisa, inkastoo uu marar badan sameeyay bandhigyo wanaagsan.
Collymore wuxuu aaminsan yahay in xilli ciyaareedkan aysan jirin wax cudurdaar ah, waxaana uu Wirtz ka doonayaa inuu noqdo ciyaaryahanka hoggaamiya weerarka Liverpool, wuxuu sheegay in Wirtz marka uu u ciyaarayo xulka Germany uu awood u leeyahay inuu kulamada maamulo, balse uusan weli sidaas si joogto ah uga samayn Liverpool.
Collymore wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Isak iyo Wirtz ay tahay inay sameeyaan iskaashi xooggan, haddii Liverpool ay doonayso inay noqoto koox weerar ahaan khatar badan.
Wuxuu tusaale u soo qaatay xiriirkii caanka ahaa ee Steven Gerrard iyo Fernando Torres, iyadoo Gerrard uu inta badan ka ciyaari jiray gadaasha Torres.
Sidaas oo kale, Wirtz ayaa laga doonayaa inuu ciyaarta maamulo oo uu Isak si joogto ah u quudiyo, halka Isak uu noqdo weeraryahanka dhammeystira fursadaha.
Iraola ayaa sidoo kale qirtay in Liverpool aysan haysan garbaha weerarka oo ku filan, iyadoo kooxda lagu xiriirinayo ciyaartoy ay ka mid yihiin Bradley Barcola, Ibrahim Mbaye iyo gaar ahaan Yankuba Minteh.
Liverpool ayaa laba dalab ka gudbisay Minteh, balse Brighton ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay oo ahaa £60 milyan, iyadoo la rumeysan yahay inay doonayso lacag ku dhow £70 milyan.
Be the first to comment