SHOCK Barcelona oo doonatay weeraryahan lamafilaan ah , Waa kuma ?

Barcelona ayaa sii wadda raadinta weeraryahan dhexe oo cusub, iyadoo kooxda Catalan-ka ay dooneyso inay xoojiso safkeeda weerarka kadib markii ay ku adkaatay inay soo gabagabeyso heshiiska Julian Alvarez ee Atletico Madrid.

Booska weeraryahanka dhexe ayaa noqday mudnaanta Barcelona kadib bixitaankii Robert Lewandowski dhammaadkii xilli-ciyaareedkii hore, iyadoo sidoo kale kooxda ka tagay Ferran Torres.

Sida ay qortay warbaahinta Spain, gaar ahaan Sport, liiska weeraryahannada ay Barcelona qiimeyneyso ayaa sii ballaaranaya, waxaana hadda ku soo biiray xiddiga Monaco, Folarin Balogun.

Balogun ayaa caan ku noqday sidoo kale dhacdo muran badan dhalisay intii lagu jiray Koobkii Adduunka, Weeraryahanka ayaa tartanka u matalayay xulka Mareykanka, waxaana ciyaar ay la yeesheen Bosnia iyo Herzegovina lagu siiyay kaar cas wareegga 32-ka.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaasi waxay isu beddeshay arrin weyn oo muran dhalisay kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu faragelin ku sameeyay arrinta, taasoo keentay in kaarka casaanka laga noqdo.

Wararka ayaa sheegaya in Barcelona ay dhawaan muujisay xiisaha ay u qabto Balogun, taasoo ka dhigan in kooxda ay kusoo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka.

Barcelona ma aha kooxda kaliya ee isha ku haysa ciyaaryahanka,  Tottenham Hotspur iyo Aston Villa ayaa sidoo kale lagu sheegay inay xiiseynayaan.

Balogun ayaa xilli-ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan isagoo Monaco u dhaliyay 19 gool 43 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada.

Sidoo kale, Koobka Adduunka ayuu dhaliyay 3 gool afar kulan gudaheed, taasoo sii kordhisay qiimeyntiisa suuqa.

Barcelona ayaa wajahaysa caqabad kale, maadaama Balogun uu Monaco kula jiro heshiis soconaya ilaa Juun 2028.

Taasi waxay kooxda Faransiiska siinaysaa awood ay ku dalbato lacag badan haddii ay go’aansato inay iibiso weeraryahankeeda, iyadoo Monaco aysan ku jirin xaalad ay qasab ku tahay inay ciyaaryahanka fasaxdo.

Barcelona ayaa sidaas darteed hadda qiimeyneysa fursadaha ay hayso, iyadoo Julian Alvarez weli yahay mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn ee lala xiriirinayo, balse haddii heshiiska Argentine-ka uu fashilmo, Folarin Balogun wuxuu noqon karaa mid ka mid ah weeraryahannada ay Blaugrana u dhaqaaqdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga