Halyeeyga Manchester United iyo falanqeeyaha Sky Sports, Gary Neville, ayaa Arsenal kula taliyay inay dadaal kasta sameyso si ay u hesho weeraryahanka Atletico Madrid, Julian Alvarez, isagoo aaminsan in xiddiga reer Argentina uu wax weyn ka beddeli karo weerarka Gunners-ka.
Alvarez ayaa muddooyinkan ku jiray liiska ciyaartoyda ay Arsenal doonayso inay la soo saxiixato, inkastoo wadahadallada lala xiriirinayo Atletico Madrid ay yihiin kuwo adag. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Barcelona ay tahay kooxda uu ciyaaryahanku doorbidayo.
Neville ayaa hadalkiisa jeediyay kaddib markii uu daawaday Arsenal oo 3-0 kaga adkaatay Coventry City kulankooda furitaanka Premier League, Inkastoo uu ku qancay awoodda Arsenal, haddana wuxuu dareemay in kooxda ay u baahan tahay “sixir” dheeraad ah oo dhanka weerarka ah.
“Waxaan u maleynayaa in Alvarez uu doonayo inuu aado Barcelona, laakiin haddii Arsenal ay si uun u heli karto Alvarez, garoonkan ayuu iftiimin lahaa,” ayuu yiri Neville.
Wuxuu intaas ku daray in Arsenal ay markaas heli lahayd weeraryahan heer caalami ah oo ku biiraya difaac iyo khad dhexe oo uu ku tilmaamay kuwo heer sare ah.
Neville ayaa aaminsan in saxiixa Alvarez uu Arsenal siin karo awood ay ugu tartanto Premier League iyo Champions League, gaar ahaan kulamada waaweyn ee kooxdu aysan si fiican u ciyaarin balse ay u baahan tahay ciyaaryahan go’aamin kara natiijada.
“Waxay markaas noqon lahaayeen koox aan kaliya ku guuleysan karin Premier League, balse sidoo kale awood u leh inay qaaddo Champions League,” ayuu yiri.
Qodobka ugu xiisaha badan ee hadalka Neville ayaa ahaa saameynta uu Alvarez ku yeelan karo Martin Odegaard.
Odegaard ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulankii Coventry, isagoo dhaliyay goolkii saddexaad ee Arsenal, waxaana loo doortay xiddigii kulanka.
Neville wuxuu tusaale u soo qaatay weeraryahankii hore ee Arsenal, Ian Wright, isagoo sheegay in Odegaard uu si weyn uga faa’iideysan lahaa weeraryahan sameeya orodyo joogto ah oo difaacyada gadaashooda gala.
Wuxuu yiri haddii Arsenal ay hesho ciyaaryahan sida Alvarez oo kale ah, Odegaard wuxuu awoodi lahaa inuu “heer kale u kaco”, maadaama qaabka uu Alvarez u dhaqaaqo uu si fiican ula jaanqaadi karo kubadda iyo ciyaarta Arsenal.
Arsenal ayaa sidaas darteed haysata maalmo kooban oo ay ku go’aamiso haddii ay weerar kama dambeys ah ku qaadi doonto saxiixa Julian Alvarez, balse caqabadda ugu weyn ayaa weli ah in Atletico Madrid laga dhaadhiciyo iibkiisa iyo in Arsenal ay Barcelona kaga hormarto doorashada ciyaaryahanka.
Be the first to comment