TAARIIKH LAMAJOOJIYE:- Ronaldo oo caawa dhigay taariikh & Rikoor naadir , CR……………

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa markale galay buuga taariikhda kadib markii uu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya Al-Nassr ee Horyaalka Sacuudiga (Roshn League) xilligii kubadda casriga ahayd.

Al-Nassr ayaa 4-0 ku garaacday Al-Riyadh kulankii toddobaadka labaad ee horyaalka, iyadoo Ronaldo uu kursiga keydka kasoo galay islamarkaana dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 83-aad, kaddib karoos hoose oo uu ka helay Ayman Yahya, wuxuuna kubadda ku dhammeystiray lugtiisa bidix.

Goolkan ayaa Ronaldo ka dhigay inuu barbaro la galo halyeeyga Al-Nassr Mohammed Al-Sahlawi, iyadoo labadooduba ay hadda leeyihiin 103 gool oo ay u dhaliyeen Al-Nassr horyaalka Sacuudiga tan iyo bilowgii xilligii xirfadeed.

Liiska gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya Al-Nassr ee Roshn League:
🥇 Cristiano Ronaldo – 103 gool
🥇 Mohammed Al-Sahlawi – 103 gool
🥉 Abderrazak Hamdallah – 77 gool

⭐ Hadda Ronaldo wuxuu u baahan yahay hal gool oo keliya si uu kaligiis u noqdo gooldhaliyaha ugu taariikhda badan Al-Nassr ee Horyaalka Roshn League. Waxaa la filayaa inuu rikoodhkaas jebiyo kulamada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga