Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u gudbisay dalab gaaraya £60 milyan oo ay ku dooneyso xiddiga garabka ka ciyaara ee Yankuba Minteh, kadib markii ay heshiis hordhac ah oo shaqsiyeed la gaartay ciyaaryahanka reer Gambia.
Wararka ayaa sheegaya in Minteh uu aqbalay mashruuca Liverpool, isla markaana labada dhinac ay si guud ugu heshiiyeen shuruudaha qandaraaska.
Si kastaba ha ahaatee, Brighton ayaa diiday dalabkii ugu horreeyay ee £60 milyan, inkastoo wada-hadalladu ay weli socdaan, iyadoo Liverpool ay rajo weyn ka qabto in heshiiska la dhammeeyo.
Dhanka kale, Minteh ma aha beddelka Bradley Barcola, balse Liverpool waxay doonaysaa inay labada ciyaaryahanba hesho. Bradley Barcola ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee kooxda xagaagan.
Be the first to comment