Manchester United ayaa 1-1 ku kala baxay Paris Saint-Germain kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Gothenburg, balse ciyaarta ayaa soo bandhigtay dhibaatooyin waaweyn oo kooxda ka jira, gaar ahaan difaaca iyo khadka dhexe.
Dhibaatada ugu weyn ee ciyaarta ayaa ahayd dhaawaca Mason Mount, kaasoo garoonka laga saaray wax ka yar 20 daqiiqo kadib. Mount ayaa xilli ciyaareedkan muujiyay inuu door muhiim ah ka qaadan karo khadka dhexe, balse dhaawacyada soo noqnoqda ayaa weli caqabad ku ah.

PSG ayaa ciyaarta si degdeg ah u bilaabatay, iyadoo daqiiqaddii 2-aad Ibrahim Mbaye uu u dhaliyay goolka PSG, Difaaca United ayaa si fudud looga dhex maray, waxaana lagu dhaliilay Harry Maguire iyo Ayden Heaven.
United ayaa markii dambe soo laabatay, waxaana Bryan Mbeumo u dhaliyay goolka barbardhaca daqiiqaddii 32-aad, Mbeumo ayaa mar kale muujiyay inuu noqon karo xalka weerarka dhexe, isagoo xilli ciyaareedka diyaar-garowga dhaliyay goolal badan.
United ayaa hadda wajahaysa xaalad adag oo khadka dhexe ah, maadaama aysan haysan ciyaaryahan dabiici ah oo si joogto ah uga ciyaara booska Defensive Midfielder.
Youri Tielemans ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay United, halka Kobbie Mainoo uu sidoo kale kusoo laabanayo kooxda. Si kastaba, warbixintu waxay tilmaamaysaa in United ay weli u baahan tahay xoojin dheeraad ah.
Ayden Heaven ayaa qeybtii hore sameeyay qaladaad dhowr ah, waxaana ka mid ahaa qalad difaac iyo qalad uu ku galay Khvicha Kvaratskhelia oo sababay inuu jaalle qaato.
Michael Carrick ayaa qeybtii dambe Heaven beddelay, waxaana booskiisa galay Leny Yoro, Noussair Mazraoui-na waxaa lagu beddelay Diogo Dalot.
United sidoo kale dhibaato ayay ka qabtaa goolhayaha, iyadoo dhaawacyo iyo xanuun ay saameeyeen goolhayayaasha kooxda.
Warbixintu waxay ku doodayaa in United ay weli u baahan tahay ugu yaraan saddex ciyaaryahan oo muhiim ah ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xidhmin.
Dhibaatooyinka soo baxay kulankii PSG, gaar ahaan d
haawaca Mount iyo booska Defensive Midfielder-ka, ayaa laga yaabaa inay ku qasbaan maamulka Manchester United inay mar kale jeebka gacanta geliyaan oo suuqa ka raadiyaan xoojin cusub.
Be the first to comment