DEG DEG RODRI oo Heshiiska shaqsi ah la gaaray Barcelona & Faah faahin. ……

Barcelona ayaa si buuxda ula heshiisay Rodri shuruudaha qandaraaskiisa, kadib markii kooxda Catalanka ay dalab rasmi ah u dirtay wakiilka xiddiga reer Spain.

Heshiiska shaqsiga ah ayaa hadda la soo gabagabeeyay, taasoo ka dhigan in Rodri uu oggolaaday shuruudaha ay Barcelona u bandhigtay.

Hadda tallaabada xigta ayaa ah in Barcelona iyo Manchester City ay bilaabaan wada-hadallada tooska ah ee ku saabsan qiimaha lagu kala wareegayo ciyaaryahanka.

Labada kooxood ayaa la filayaa inay si degdeg ah uga wada xaajoodaan lacagta heshiiska, iyadoo Barcelona ay doonayso in saxiixa Rodri la dhammeystiro sida ugu dhaqsaha badan (ASAP).

Haddii heshiiska labada kooxood uu guuleysto, Rodri ayaa noqon doona mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo xoojin doona khadka dhexe ee Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga