Xulka Qaranka Netherlands ayaa guul weyn oo muhiim ah ka gaaray dhiggiisa Sweden kadib markii ay ku garaaceen 5-1 kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka, kaas oo lagu ciyaaray NRG Stadium fiidnimadii Sabtida.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xooggan oo ay Holland gacanta ugu dhigtay, iyadoo Brian Brobbey uu dhaliyay laba gool daqiiqadihii 6-aad iyo 17-aad, halka Cody Gakpo uu ku daray goolka saddexaad daqiiqaddii 47-aad.
Qaybtii labaad, Netherlands ayaa sii waday bandhiggeedii cajiibka ahaa, iyadoo Gakpo uu mar kale shabaqa gaaray daqiiqaddii 54-aad si uu natiijada uga dhigo 4-0.
Xulka Sweden ayaa hal gool iska soo celiyay daqiiqaddii 59-aad, waxaana u dhaliyay Anthony Elanga.
Dhammaadka ciyaarta ka hor, Crysencio Summerville ayaa dhaliyay goolkii shanaad daqiiqaddii 89-aad, isagoo xaqiijiyay guusha weyn ee xulkiisa
Guushan kadib, Netherlands waxay kor ugu kacday 4 dhibcood, iyadoo hoggaanka u qabatay guruubka, halka Sweden ay ku hartay 3 dhibcood oo ku meel gaar ah kaalinta labaad, iyadoo la sugayo natiijada kulanka u dhexeeya Japan iyo Tunisia ee isla wareeggan.
Be the first to comment