Xulka Brazil Oo Garaacay Xulka Haiti.

Xulka qaranka Brazil ayaa guul muhiim ah ka gaaray Haiti kadib markii ay 3-0 ku garaaceen kulankii wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.

Goolka koowaad waxaa u dhaliyay Matheus Cunha daqiiqaddii 23-aad, ka hor inta uusan isla ciyaaryahankaasi dhalin goolkiisii labaad daqiiqaddii 36-aad, taasoo muujisay awoodda Brazil ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Vinicius Junior ayaa goolka saddexaad ku daray daqiiqaddii 45+3, wax yar ka hor dhammaadka qeybtii hore.

Guushan ayaa ka dhigtay Brazil inay gaarto 4 dhibcood, iyadoo hoggaanka u qabatay Group C, halka Haiti ay ku sii hartay kaalinta afraad iyadoo aan wax dhibco ah haysan.

Group-kan waxaa sidoo kale ku jira xulka Morocco, oo ku jira kaalinta labaad isagoo leh 4 dhibcood, iyo xulka Scotland, oo ku jira kaalinta saddexaad isagoo leh 3 dhibcood.

Tartanka Group C ayaa weli ah mid aad u adag oo ay kooxuhu si dhow ugu loollamayaan u soo bixista wareegga xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga