Paul Merson Oo Magacaabay 5 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka.

Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa soo saaray shanta xul ee uu u arko inay ugu cadcad yihiin ku guuleysiga Koobka Adduunka 2026.

Merson, oo wax ku qoray Sportskeeda, ayaa Spain iyo France ka dhigay lambarka koowaad iyo labaad, isagoo ku sababeeyay tayada badan ee ay haystaan.

1. Spain

Merson ayaa yiri:

“Spain waxay leedahay wax gaar ah (X-factor). Waxaan aaminsanahay in kooxaha kubadda haysta muddo dheer ay fursad fiican u yeelan doonaan inay ku guuleystaan Koobka Adduunka. Spain aad ayay ugu fiican tahay ilaalinta kubadda, taasina waxay faa’iido weyn u noqon doontaa cimiladdan.”

2. France

Merson wuxuu sheegay:

“France kaalinta labaad uma aanan gelin daafacyadeeda dhexe darteed, balse weerarkooda awgiis. Weerarkooda waxaa ka buuxa tayo sare, waxayna awood u leeyihiin inay dhaawacaan koox kasta oo dunida ah.”

3. Argentina

Merson ayaa yiri:

“Haddii Lionel Messi uu u ciyaaro sidii uu sameyn jiray isagoo 30-meeyadii hore ku jiray, Argentina waxay yeelan doontaa fursad wanaagsan. Laakiin waxaan ka shakisanahay inuu wali leeyahay awooddii uu koobka laba jeer oo xiriir ah ku qaadi lahaa.”

4. Portugal

Merson wuxuu ammaanay khadka dhexe ee Portugal:

“Portugal waxay leedahay khad dhexe oo aad u xoog badan. Vitinha, João Neves iyo Bruno Fernandes dhammaantood waa ciyaartoy heer caalami ah. Koox kasta oo si fiican kubadda u haysata waxay fursad weyn ku leedahay tartankan, Portugal-na waa mid ka mid ah kooxahaas.”

5. England

Ugu dambayn, Merson wuxuu kaalinta shanaad geliyay England.

“England fursad way leedahay. Laakiin marka ay wajahdo kooxaha waaweyn ee wareegyada dambe, ma awoodi doontaa inay heerka kor u qaaddo? Taasi waa caqabadda ugu weyn. Waxaan rajeynayaa in markan ay wax ka duwanaan doonaan iyadoo uu hoggaaminayo Thomas Tuchel. England xaqiiqdii waxay leedahay ciyaartoy go’aamin kara kulamada.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga