Tababaraha reer Talyaani ee xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkii kooxdiisa kulankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka 2026, inkastoo ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Morocco kulan ka dhacay garoonka MetLife Stadium.
Ancelotti ayaa ciyaarta kadib yiri:
“Waa inaan horumar sameynaa, sababtoo ah ma aanan soo bandhigin heerkii nala rabay bilowgii ciyaarta, inkastoo aan si tartiib tartiib ah u soo fiicnaanaynay intii ay ciyaartu socotay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Si wanaagsan uma aanan bilaabin ciyaarta. Ciyaartoydu way kacsanaayeen, kubbado badan ayaan luminay, waxaana ku guuldarreysanay loollanno badan. Qaybtii hore ma ahayn mid wanaagsan, inkastoo qaybta labaad waxoogaa horumar ah la arkay. Waxay ahayd ciyaar adag sababtoo ah Morocco waa xul xooggan.”
Ancelotti ayaa sii watay dhaleeceyntiisa isagoo sheegay:
“Waxaa jiray cabsi iyo walwal. Ciyaartoydu waxay isku dayayeen inay cadaadiska ka baxsadaan, laakiin waxay ka tageen meelo bannaan oo khatar ah marka kubbadda la kala wareego. Waxaan awoodi karaynay inaan si ka wanaagsan u maamulno ciyaarta.”
Ugu dambeyntii wuxuu yiri:
“Haa, waxaan ku qanacsanahay hal dhibicda aan helnay. Waxaan rajeynaynay bilow ka wanaagsan, laakiin barbaro ayaa dhici karta marka aad la ciyaarayso xul xooggan sida Morocco. Hadda waa inaan diiradda saarnaa kulanka xiga.”
Hadalladan ayaa muujinaya in Ancelotti uu filayo horumar weyn oo ka yimaada Brazil kulamada soo socda, inkastoo uu qiray awoodda uu leeyahay xulka Morocco ee bandhigga wanaagsan sameeyay.
Be the first to comment