Weeraryahankii hore ee xulka England, Michael Owen, ayaa saadaaliyay in Faransiiska uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka 2026.
Tartankan sanadkan ayaa si rasmi ah u bilaabanaya habeenka Khamiista.
Inta badan shirkadaha saadaasha sharadka ayaa Spain u arka kooxda ugu cadcad inay noqoto horyaalka adduunka, iyagoo sii raacinaya koobkii Euro 2024 ee ay ku guuleysteen laba sano ka hor.
Laakiin Owen, oo saddex jeer ka qeyb galay Koobka Adduunka intii uu ciyaaryahan ahaa, ayaa aaminsan in Les Bleus (Faransiiska) ay “aad uga xoog badan yihiin” dhammaan kooxaha kale ee tartanka ku jira.
Wuxuu sidoo kale saadaaliyay in England ay gaari karto ugu badnaan wareegga siddeedda ama afar dhammaadka (semi-finalka), halka Jarmalka uu noqon karo kooxda lama filaanka ah ee tartanka.
Owen ayaa u sheegay Metro:
“Waxaan filayaa in England ay gaari doonto wareegga siddeedda ama ugu badnaan semi-finalka, laakiin waxaan dareen gaar ah ka qabaa in Jarmalku uu si fiican uga soo muuqan karo tartanka.”
“Waxaan u maleynayaa inay wax weyn sameyn karaan. Sidaas darteed, Faransiiska ayaan u xushay inuu koobka qaado, England inay gaarto quarter-final ama semi-final, halka Jarmalkuna uu noqdo kooxda lama filaanka ah ee tartanka.”
Be the first to comment