Ka Hor Furitaanka Koobka Adduunka 2026: Halkee Ku Sugan Yahay Tshabalala, Ciyaartoygii Sameeyay Qoob-ka-ciyaarkii Caanka Noqday kulankii Mexico iyo Koonfur Afrika?

Dareenka dunida kubbadda cagta maanta wuxuu ku wajahan yahay furitaanka Koobka Adduunka 2026, kaas oo caawa oo Khamiis ah ku bilaabanaya kulanka u dhexeeya Mexico iyo Koonfur Afrika.

Kulankan ayaa dib u soo nooleynaya xusuusta furitaankii Koobka Adduunka 2010, markaas oo ciyaaryahankii Koonfur Afrika ee Siphiwe Tshabalala uu dhaliyay gool cajiib ah oo weli lagu xasuusto taariikhda koobka.

Sanadkii 2010, Tshabalala wuxuu jiray 26 sano, mana ahayn ciyaaryahan si weyn looga yaqaan Yurub. Wuxuu ka mid noqday xulka Koonfur Afrika ee martigelinayay tartanka, waxaana uu noqday geesiga kulankii furitaanka markii uu goolkaas quruxda badan ka dhaliyay Mexico.

Goolkiisa lugta bidix ee geeska sare galay ayaa loo magacaabay abaalmarinta FIFA Puskás Award, inkastoo ugu dambeyn uu ku guuleystay ciyaaryahanka Turkiga ah Hamit Altıntop.

Halkee ayuu hadda joogaa?

Tshabalala hadda waa 38 jir. Intii uu ciyaaryahan ahaa, wuxuu inta badan ka ciyaaray kooxo Koonfur Afrika ah, waxaana ka mid ahaa:

  • Kaizer Chiefs
  • Alexandra United
  • Free State Stars
  • Erzurumspor
  • AmaZulu FC

Kooxdii ugu dambeysay ee uu u ciyaaray waxay ahayd AmaZulu FC. Tan iyo Agoosto 2021 wuxuu ahaa ciyaaryahan xor ah (free agent), mana uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu ka fariistay kubbadda cagta.

Dhanka xulka qaranka, wuxuu ciyaaraha caalamiga ah ka maqnaa tan iyo 2014, inkastoo mar kale loogu yeeray laba kulan sanadkii 2017, halkaas oo uu ciyaaray 21 daqiiqo oo keliya.

Tshabalala waxaa weli si weyn loogu xusuustaa goolkii furitaanka Koobka Adduunka 2010 iyo qoob-ka-ciyaarkii caanka noqday ee uu sameeyay markii uu goolka dhaliyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga