Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, ayaa sheegay in ay tahay arrin “aan fiicnayn” in Eberechi Eze iyo Gabriel Magalhaes ay qasaariyeen rigoorayaashoodii finalka tartanka UEFA Champions League ee ay kaga adkaadeen Paris Saint-Germain.
Ciyaartu waxay ku dhammaatay 1-1 kadib 120 daqiiqo, iyadoo goolkii hore ee Kai Havertz uu barbarreeyay Ousmane Dembele.
Finalka sanadkan ayaa ugu dambayn lagu go’aamiyay rigoorayaal.
Eze iyo Gabriel ayaa ku guuldarraystay inay shabaqa gaaraan, taasoo PSG u sahashay inay sii haysato koobka.
Rice ayaa yiri:
“Qasaarinta rigoore finalka Champions League ma aha wax wanaagsan. Laakiin waan jecelnahay iyaga. Kubadda cagta ayay ka mid tahay waxyaalahan”
“Ma noqonayaan ciyaartoydii ugu dambaysay ee rigoore ku qasaariya final”
“Qof walba mar ayuu rigoore qasaariyay. Haddii aysan labadan ciyaaryahan nala joogi lahayn xilli ciyaareedkan, ma aanan ku guuleysan lahayn Premier League. Waa arrin xanuun badan, laakiin waxaan diiradda saaraynaa dhinacyada wanaagsan.”
Be the first to comment