Weeraryahanka kooxda Bayern Munich, Harry Kane, ayaa ku guuleystay abaalmarinta European Golden Boot markii labaad xirfaddiisa ciyaareed.
Tani waxay timid kadib bandhig cajiib ah oo uu u sameeyay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.
Kabtanka xulka England ayaa dhaliyay 36 gool 31 kulan oo Bundesliga ah uu u ciyaaray kooxda uu tababaro Vincent Kompany intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2025/26, isagoo helay 72 dhibcood si uu ugu dhammeysto gooldhaliyaha ugu sarreeya Yurub dhammaan horyaalada gudaha.
Wuxuu ka sarreeyay weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland, kaasoo galay kaalinta labaad isagoo leh 27 gool iyo 54 dhibcood.
Sidoo kale Kane wuxuu ka horreeyaa xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappe, kaasoo galay kaalinta saddexaad isagoo leh 25 gool iyo 50 dhibcood.
Kane ayaa hore ugu guuleystay Golden Boot xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Bayern sanadkii 2023/2024, markaas oo uu sidoo kale dhaliyay 36 gool oo Bundesliga ah.
Xiddigii hore ee Tottenham Hotspur ayaa xilli ciyaareedkan si cajiib ah u dhaliyay 61 gool, wuxuuna bixiyay 7 caawin 51 kulan oo uu kasoo muuqday dhammaan tartamada isaga oo u ciyaaraya Bayern Munich.
Be the first to comment