Bukayo Saka ayaa magaciisa ku qoray taariikhda UEFA Champions League kadib markii uu noqday ciyaaryahankii afraad ee Ingiriis ah ee gool ka dhaliya laba semi-final oo kala duwan tartanka, xilliyada 2024/2025 iyo 2025/2026.
Guushan wuxuu gaaray intii lagu jiray kulankii Arsenal ay la ciyaareysay Atletico Madrid lugtii labaad ee semi-final-ka, oo ka dhacday Emirates Stadium.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay iyadoo Arsenal hoggaanka ku hayso 1-0, goolkaas oo uu dhaliyay Saka daqiiqaddii 45-aad.
Goolkan ayaa Saka ka dhigay inuu ku biiro liis gaar ah oo ciyaartoy Ingiriis ah, oo ay ka mid yihiin:
**Wayne Rooney (2006/2007 iyo 2010/2011)
**Frank Lampard (2003/2004 iyo 2007/2008)
**Harry Kane (2023/2024 iyo 2025/2026)
kuwaas oo hore uga dhaliyay goolal semi-final-ka tartanka marar kala duwan.
Sidoo kale, Saka wuxuu si toos ah uga qeyb qaatay 14 gool 14 kulan oo Champions League ah oo lagu ciyaaray Emirates Stadium (9 gool iyo 5 caawin), taasoo muujinaysa saameyntiisa weyn ee garoonkaas.
Be the first to comment