Arsenal Oo 20 Sano Kadib Iska Xaadirisay Final Champions League

Kooxda Arsenal ayaa u soo baxday final-ka UEFA Champions League kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Atletico Madrid lugtii labaad ee semi-final-ka oo ka dhacday Emirates Stadium, iyadoo la ogyahay in lugtii hore ay 1-1 ku dhammaatay garoonka Wanda Metropolitano.

Arsenal waxay final-ka la ciyaari doontaa kooxda ku guuleysata kulanka u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich, kaas oo dhici doona habeenka Arbacada. Final-ka waxaa lagu qaban doonaa magaalada Budapest, gaar ahaan garoonka Puskás Arena taariikhdu markay tahay 30-ka May.

Daqiiqaddii 8-aad, Atletico Madrid ayaa heshay fursaddii ugu horreysay ee halista ahayd kadib markii Julián Álvarez uu kubad ka dhex toogtay xerada ganaaxa taas oo wax yar ka leexatay birta. Daqiiqaddii 11-aad, Atletico waxay lumisay fursad cad markii Julián Álvarez uu madax ku tuuray kubad uu si qurux badan u badbaadiyey goolhaye David Raya.

Arsenal ayaa jawaab celisay daqiiqaddii 19-aad iyadoo Gabriel Magalhães uu meel fog ka tuuray kubad xooggan oo ka baxday goolka. Daqiiqaddii 35-aad, Arsenal waxay dalbatay rigoore kadib markii Leandro Trossard uu ku dhacay gudaha xerada ganaaxa, balse garsooruhu wuu diiday.

Daqiiqaddii 45+1, Arsenal waxay dhalisay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo Bukayo Saka uu ka faa’iidaystay kubad ka soo laabatay goolhayaha Jan Oblak kadib markii Leandro Trossard uu toogtay kubad gudaha xerada ganaaxa.

Bilowgii qeybta labaad, labada kooxood ayaa sii waday is dhaafsiga fursadaha. Daqiiqaddii 52-aad, David Raya ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah kadib kubad halis ahayd oo Atletico ay ka soo qaaday koornar. Daqiiqaddii 54-aad, Arsenal waxay isku dayday weerar uu sameeyay Viktor Gyökeres balse difaaca ayaa ka hortagay.

Daqiiqaddii 56-aad, Antoine Griezmann ayaa kubad xooggan ku tuuray gudaha xerada ganaaxa taas oo uu badbaadiyey Raya. Daqiiqaddii 61-aad, Martin Ødegaard ayaa kubad ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa balse way ka baxday goolka.

Daqiiqaddii 66-aad, Arsenal waxay lumisay fursaddii ugu halista badnayd kadib markii kubad la soo karoosay uu si yaab leh uga dul madax tuuray goolka Viktor Gyökeres. Daqiiqaddii 77-aad, Gyökeres ayaa mar kale halis geliyay goolka Atletico isagoo kubad xooggan ka tuuray meel fog balse wax yar ka leexatay birta.

Ugu dambeyn, ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo ay ku badisay Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga