Lauren Oo Saadaaliyay kulanka Arsenal Iyo Atletico Madrid.

Difaacii hore ee Cameroon, Lauren Etame Mayer, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ka adkaan doonto Atletico Madrid lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League islamarkaana ay u gudbi doonto final-ka.

Labada kooxood ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay lugtii hore, taasoo ka dhigeysa kulanka mid si siman u furan.

Haddii “Gunners”-ka ay ka reebaan kooxda LaLiga, waxay gaari doonaan final-ka Champions League markii labaad oo keliya taariikhda kooxda.

Final-kaas ayaa laga yaabaa inay ku wajahaan midkood Paris Saint-Germain ama Bayern Munich, kulan lagu qaban doono magaalada Budapest.

Lauren ayaa yiri:
“Waxaan leenahay fursad weyn oo aan kaga adkaan karno Atletico Madrid, aan ku gaari karno final-ka, isla markaana aan ugu guuleysan karno horyaalka dhammaadka xilli ciyaareedka. Waa arrin aad muhiim u ah.”

Wuxuu sidoo kale amaanay ciyaartoyda Arsenal, isagoo yiri:
Viktor Gyökeres wuu goolal dhalinayaa, Bukayo Saka wuu soo laabtay kooxda wuxuuna dhalinayaa goolal. Sidoo kale Leandro Trossard iyo Gabriel Martinelli iyaguna way sameyn karaan farqi.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga