Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay si rasmi ah u siiso tababaraha ku-meel-gaar ah Michael Carrick xilka tababarenimo ee joogtada ah ee Old Trafford, kadib markii 44-jirkan uu kooxda u horseeday inay u soo baxaan UEFA Champions League.
Carrick ayaa sameeyay rikoor cajiib ah tan iyo markii uu baddalay Ruben Amorim bishii Janaayo, isagoo helay 10 guul, 2 barbaro iyo 2 guuldarro 14 kulan oo Premier League ah.
Guushii 3-2 ee ay ka gaareen Liverpool Axaddii ayaa xaqiijisay in kooxda “Red Devils” ay ka qeyb geli doonto Champions League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee jadwalka horyaalka, 12 dhibcoodna ka sarreysa kooxda kaalinta 6-aad ee Bournemouth.
Manchester United waxay sidoo kale 6 dhibcood ka horreysaa Liverpool oo ku jirta kaalinta 4-aad, iyadoo ay u harsan yihiin saddex kulan oo ay la ciyaari doonaan Sunderland, Nottingham Forest iyo Brighton & Hove Albion.
Carrick markii hore waxaa loo magacaabay si ku-meel-gaar ah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo la filayay in tababare cusub la keeno, balse wuxuu sameeyay saameyn weyn intii uu hoggaanka hayay.
Warbixin ay daabacday The Guardian ayaa sheegtay in Carrick la siin doono fursad uu ku sii ahaado tababaraha rasmiga ah ee Manchester United kadib guusha uu gaaray.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in shaqada ay “Carrick diidi karo haddii uu doono,” taasoo muujineysa kalsoonida weyn ee uu kasbaday.
Agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox iyo agaasimaha guud Omar Berrada ayaa si weyn ula dhacay shaqadiisa, halka ciyaartoyda kooxda—gaar ahaan Bruno Fernandes iyo Harry Maguire—ay si buuxda u taageereen.
Be the first to comment