Wayne Rooney ayaa saadaaliyay in Arsenal ay si “fudud” ugu guuleysan doonto horyaalka Premier League, kadib markii ay 6 dhibcood ka hormareen Manchester City Sabtidii.
Arsenal ayaa 3-0 ku garaacday Fulham, iyadoo goolasha ay kala dhaliyeen Bukayo Saka iyo Viktor Gyokeres oo laba gool dhaliyay.
Guushan waxay Arsenal ka dhigtay inay gaaraan 76 dhibcood iyadoo ay saddex kulan ka harsan yihiin, halka Manchester City ay haystaan 70 dhibcood, inkastoo ay laba kulan gacanta ku haystaan.
Kooxda uu tababaro Pep Guardiola ayaa la simi karta dhibcaha Arsenal haddii ay guuleystaan labada kulan ee u harsan, kadib markii ay Arsenal ka adkaadeen laba todobaad ka hor, taasoo hoos u dhigtay farqigii ay Gunners hore u lahaayeen.
Wayne Rooney ayaa sheegay inuu weli aaminsan yahay in Arsenal ay ku filnaan doonto inay ka adkaato Manchester City tartanka horyaalka, inkastoo ay lumiyeen kulan aad u weyn.
Rooney wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in kooxda City ay mar kale dhibco lumin karto ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka, taasoo siin karta Mikel Arteta iyo kooxdiisa fursad dheeraad ah oo ay ku neefsadaan.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Match of the Day, Rooney wuxuu yiri:“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka. Xitaa waxaan sidaas dareemayay markii Manchester City ay ka adkaatay Arsenal. Waxaan u arkayay inay maskax ahaan culays ku ahayd Arsenal inay u safraan City, isla markaana ay kaga adkaadaan finalka koobka.”
Wayne Rooney ayaa hadalkiisa sii raaciyay:“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay weli si fiican u taagan tahay, xitaa kadib guuldarradii ka soo gaartay Manchester City, iyadoo dhibco la siman waqtigaas. Waxaan sidoo kale u arkaa jadwalkooda inuu ka sahlan yahay kan City”
“Waxaan aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan dhammaan kulamada u haray. Sidoo kale, waxaan arki karaa City oo hal ama labo kulan dhibco ka lumiya”
“Ugu dambeyn, waxaan arki karaa Arsenal inay si raaxo leh horyaalka ku qaadaan—waxaa laga yaabaa farqi u dhexeeya 3 ilaa 5 dhibcood”
Be the first to comment