Slot Oo Sharaxay Sababta Uu Alexander Isak U Seegay Kulanka Man United.

Alexander Isak ma uusan diyaar ahayn kulankii ay Liverpool u safartay Manchester United sababo la xiriira dhaawac, sida uu xaqiijiyay Arne Slot.

Dhaawac yar ayaa ka reebay weeraryahanka kulanka Premier League ee ka dhacaya Old Trafford.

Isagoo hadlayay ka hor ciyaarta, Slot wuxuu u sheegay Sky Sports:“Kadib guushii aan ka gaarnay Palace, marka aad gasho usbuuca waxaad hore u ogtahay inaad waayi doonto Mohamed Salah, kadibna inta usbuuca lagu jiro ayaan sidoo kale luminay Alex”

“Laakiin tani ma aha markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan. Markii aan u safarnay Arsenal, labada No.9 ee weerarka ayaan sidoo kale waaynay, haddana waxaan awoodnay inaan ciyaar fiican soo bandhigno”

“Sidaas darteed waa xaalad jirta, waana inaan aqbalnaa”

“Dabcan, waa nasiib darro, waxaana ka xunnahay in Alex uu qaaday dhaawac yar – runtii aad u yar. Taasi waa sababta kulankan uu ugu yimid goor hore.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga