Bruno Fernandes Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Uu U Diiday Dalabyo Uu Uga Tagi Lahaa Manchester United.

Xiddiga Man United ee Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday fursado badan oo uu kaga tagi lahaa Manchester United saddexdii sano ee la soo dhaafay, si uu u dhammaystiro waxa uu ugu yeeray “hawl aan wali la dhamaystirin”ee Old Trafford.

Kabtanka reer Portugal wuxuu qiray in inkasta oo uu helay dalabyo ka yimid Sacuudiga iyo meelo kale, haddana himiladiisa ugu weyn ay tahay inuu kooxda dib ugu soo celiyo sharafteedii hore isagoo ku guuleysanaya koobabka ugu waaweyn.

Fernandes ayaa mar kale xaqiijiyay daacadnimadiisa kooxda, kaddib warar badan oo la xiriiray inuu u wareegayo horyaalka Sacuudiga xagaagii hore.

Inkastoo United ay soo martay xilli aad u liita taariikh ahaan isla markaana aysan helin ka qaybgalka tartamada Yurub, ciyaaryahanka 31 jirka ah weli waa laf-dhabarta mashruuca mustaqbalka ee kooxda. Wuxuu Manchester ku qaatay in ka badan lix sano, wuxuuna sii ahaanayaa maskaxda hal-abuurka ee kooxda oo hadda isku dayaysa inay dib ugu soo noqoto heerka kooxaha ugu sarreeya.

Isagoo la hadlayay Gary Neville ee Sky Sports, Fernandes wuxuu sheegay in farxadda uu ka helayo guul ka gaadhista Old Trafford ay ka weyn tahay meel kale oo uu aado. Wuxuu yiri:

“Ma aha arrin ku saabsan daacadnimo. Waxaan tagi kari lahaa laba sano ka hor, saddex sano ka hor, ama xilli ciyaareedkii hore, laakiin runtii waan jeclahay inaan halkan joogo”

“Waxaan aaminsanahay in guul ka gaarista kooxdan ay tahay wax aanan ka heli karin meel kale. Farxadda iyo dareenka aan heli doono maalinta aan gaaro waxa aan doonayo halkan, ma heli doono meel kale oo dunida ah”

“Waan ogahay inta taageerayaashu rabaan arrintan, waan ogahay sida ay u xiiseeyaan. Waan ogahay inta ay sugayaan in kooxdu dib u soo laabato. Aniguna waxaan la saaranahay isla markabka. Waxaan rabaa in markabkan uusan istaagin oo keliya, balse uu hore u socdo”

“Haa, waxaan ku guuleystay Carabao Cup iyo FA Cup, laakiin waxa kooxda iyo taageerayaashu rabaan – iyo waxa aniga iyo kooxda rabno – weli ma aanan gaarin. Ilaa qandaraaskaygu dhammaanayo, waan isku dayi doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga