Arsenal ayaa gaadhay guul weyn oo 3-0 ah oo ay ka gaadheen kooxdii martida u shady Ee Fulham kulan ka tirsanaa wareegga 35-aad ee Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
Arsenal ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta bilowgii, waxayna heshay goolka furitaanka daqiiqaddii 9-aad, kadib markii Viktor Gyökeres uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Bukayo Saka.
Daqiiqaddii 40-aad, Bukayo Saka ayaa dhaliyay goolka labaad ee Arsenal kadib markii uu baas ka helay Viktor Gyökeres, isaga oo kubbad hoose ku dhaliyay gudaha xerada ganaaxa.
Viktor Gyökeres ayaa mar kale soo laabtay wuxuuna dhaliyay goolka saddexaad ee Gunners, kadib karoos uu ka helay Leandro Trossard, isagoo madax cajiib ah ku dhammeeyay daqiiqaddii 45+4.
Guushan ayaa xoojisay hoggaanka Arsenal ee horyaalka, iyagoo leh 76 dhibcood, isla markaana si ku meel gaar ah 6 dhibcood uga sarreeya Manchester City, oo laba kulan ka yar ciyaaray. Dhanka kale, Fulham ayaa ku hadhay 48 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 10-aad.
Be the first to comment