Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa saadaaliyay kulanka lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League ee u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich.
Waxaa la xusuustaa in PSG ay 5-4 kaga adkaatay Bayern Munich kulankii lugta hore ee semi-finalka Talaadadii.
Labada kooxood ayaa markale isku wajihi doona toddobaadka soo socda kulanka lugta labaad, waxaana Gerrard uu aaminsan yahay in PSG ay ciqaabi doonto Bayern marka ay ku ciyaaraan garoonka Allianz Arena, isla markaana ay gaari doonaan finalka.
Wuxuu yiri:“Anigu waxaan u maleynayaa PSG, fursadihii ay Real Madrid ka heleen (Bayern), inkastoo Madrid aysan si fiican u ciyaarayn koox ahaan, PSG waxay halkaas u tegi doonaan iyagoo kalsooni buuxda leh, aaminaad leh, sidoo kalena leh ciyaartoy heer caalami ah”
“Waxaan u maleynayaa inay ciqaabi doonaan Bayern Munich.”
Be the first to comment