Jamie Carragher Oo Magacaabay Tababaraha Hogaamin Doona Man United Xilli Ciyaareedka Dambe.

Halyeeygii Jamie Carragher ee Liverpool ayaa sheegay in Michael Carrick uu noqon doono tababaraha Manchester United xilli ciyaareedka soo socda.

Carragher wuxuu hadalkan ka sheegay barnaamijka Monday Night Football, kadib markii Red Devils ay 2–1 kaga adkaadeen Brentford kulan ka tirsan Premier League habeenkii Isniinta.

Guushan ka dhacday Old Trafford ayaa ku dhowaad xaqiijisay in United ay ku soo laabanayaan UEFA Champions League, maadaama ay hadda ku jiraan kaalinta saddexaad isla markaana ay 11 dhibcood ka sarreeyaan Brighton & Hove Albion oo ku jirta kaalinta lixaad.

Carrick ayaa hadda hoggaamiyay sagaal guulood 13 kulan tan iyo markii loo magacaabay tababare ku meel gaar ah kadib markii la eryay Ruben Amorim.

Carragher wuxuu filayaa in Carrick uu sii hayn doono shaqada kadib natiijooyin uu ku tilmaamay “cajiib ah”.

Wuxuu u sheegay Sky Sports:“Wuxuu noqon doonaa tababaraha Manchester United xilli ciyaareedka soo socda, shaki kama jiro – mana odhan kartid inuusan u qalmin”

“Kuwani waa natiijooyin aad u cajiib ah. Waa natiijooyinka koox hanan karta horyaalka ama ugu yaraan u tartamaysa horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga