Supercomputer-ka ay leedahay Opta ayaa saadaaliyay kooxaha ku dhamaysan doona shanta boos ee ugu sarreeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Sannadkii labaad oo xiriir ah, England waxay u diri doontaa shan koox tartanka ugu weyn Yurub ee Champions League.
Labada koox ee ku loolamaya horyaalka, Arsenal iyo Manchester City, ayaa horey u xaqiijiyay laba ka mid ah boosaska.
Laakiin Opta waxay ku dhowaad hubisay in Manchester United, Liverpool iyo Aston Villa ay qaadan doonaan saddexda boos ee haray.
Saddexdan kooxood waxay haystaan fursad dhan 97% inay ku dhammeeyaan ka dambeeya Arsenal iyo City.
Waxaa u dhexeeya saddex dhibcood oo keliya saddexdan kooxood, iyadoo Aston Villa iyo Liverpool oo ku kala jira kaalmaha afaraad iyo shanaad ay haystaan farqi siddeed dhibcood ah oo ay kaga horeeyaan Brighton oo ku jirta kaalinta lixaad.
Be the first to comment