Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa sheegay in Manchester City ay wali ka sarreyso Arsenal tartanka horyaalka Premier League, inkastoo Arsenal dadaal weyn sameyneyso.
Arsenal ayaa 1-0 ku garaacday Newcastle United Axaddii, taasoo ka dhigtay inay saddex dhibcood u jirsato City, kuwaas oo weli hal kulan dheeri ah haysta.
Aragtida Scholes, khibradda iyo maskaxda tababare Pep Guardiola ayaa ka caawin doonta City inay mar kale ka sarreyso Arsenal.
Wuxuu yiri:“Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan Arsenal tartankan horyaalka, run ahaantiina wax walba way bixiyeen”
“Way sii riixeen ilaa dhammaadka, waxayna weli si adag ula tartamayaan Manchester City”
“Laakiin marka marxaladdan la gaaro, faahfaahinta yar-yar ayaa go’aamisa wax walba”
“City waxay leeyihiin khibrad, maskax adag, iyo tababare guulo badan gaaray sida Pep Guardiola oo si fiican u yaqaana sida horyaal loo soo xirto”
“Arsenal, wali su’aalo ayaa ka jira. Ma hayaan awood weerar oo ku filan? Ma leeyihiin ad-adaygii lagu dhammeystiri lahaa daqiiqadaha ugu dambeeya marka ay ugu muhiimsan tahay? Taas ayaa kala saarta kuwa tartamaya iyo kuwa ku guuleysta.”
Be the first to comment