Paul Merson ayaa sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonaan horyaalka Premier League haddii ay garaacaan Fulham toddobaadka soo socda.
Kooxda Gunners ayaa dib ugu soo laabatay tartanka horyaalka fiidnimadii Sabtida, kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Newcastle United garoonka Emirates Stadium, iyadoo goolka guusha uu dhaliyay Eberechi Eze.
Taasi waxay ahayd guushii labaad ee Arsenal toddobo kulan gudahood tartamada oo dhan, ka hor iyo kadib fasaxa caalamiga ah, balse waa guul laga yaabo inay noqoto mid muhiim ah dhammaadka xilli ciyaareedka.
Guushan ayaa keentay in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay dib ugu soo laabtaan hoggaanka jadwalka Premier League, iyagoo saddex dhibcood ka sarreeya Manchester City, kuwaas oo ku mashquulsanaa semi-finalka FA Cup-ka oo ay la ciyaarayeen Southampton.
Arsenal waxay heli kartaa fursad ay farqiga ka dhigto lix dhibcood marka ay la ciyaarayso Fulham garoonka Emirates, laba maalmood ka hor inta Man City aysan booqan Everton.
Isagoo la hadlayay Sky Sports kadib guusha Arsenal, Merson wuxuu sheegay in tartanka horyaalka laga yaabo in la go’aamiyo toddobaadka soo socda, isagoo tilmaamay in ciyaarta Man City ee Merseyside ay adkaan karto.
Wuxuu yiri: “Haddii Arsenal ay guuleysato toddobaadka soo socda oo ay ka adkaato Fulham gurigooda, Arsenal waxay qaadi doontaa horyaalka”
“Waxaan sidaas u sheegayay xilli ciyaareedka oo dhan. Hadda way sii adkaanaysaa, laakiin haddii ay lix dhibcood hoggaanka u dheereeyaa”
“Everton oo gurigooda jooga, iyadoo Man City ay lix dhibcood ka dambeyso? Waa ciyaar adag.”
Inkasta oo uu saadaal adag sameeyay, Merson wuxuu qiray in ciyaaraha Arsenal aysan hadda ahayn kuwo xiiso leh in la daawado.
Wuxuu yiri: “Ma aha wax si fiican loo daawado, mana ula jeedo si xun kooxda”
“Waxaan u maleynayaa inay tahay xaalad walwal badan, walwal aad u badan. Muddo dheer ayay sidan ahayd, taasoo ka dhigaysa mid aan lagu raaxeysan karin”
“Waa inay ku raaxaystaan waqtiyadan, laakiin way adag tahay hadda sababtoo ah walwalka badan”
“Taasi waxay khuseysaa ciyaartoyda, taageerayaasha iyo qof walba. Qofna ma eedeynayo, laakiin hadda ma aha wax lagu raaxeysto, way adag tahay.”
Be the first to comment