Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal, Bruno Fernandes, ayaa muujiyay rajo ah in isaga iyo saaxiibadiis ay ku guuleysan karaan Koobka Adduunka 2026 si ay ugu sharfeen kabtankooda Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa la filayaa inuu ciyaaro Koobkiisii ugu dambeeyay ee Adduunka xagaagaas.
Weeraryahanka 41-jirka ah ee Al-Nassr ayaa ku guuleystay koobab badan, oo ay ku jiraan Koobka Yurub (Euro) ee Portugal, balse weli ma uusan ku guuleysan Koobka Adduunka intii uu ciyaarayay.
Portugal waxay ku jirtaa Group K ee Koobka Adduunka 2026, waxaana kula jira DR Congo, Uzbekistan iyo Colombia.
Isagoo la hadlayay BBC, Fernandes wuxuu yiri:
“Ku soo gabagabeynta Koobkan Adduunka ee ugu dambeeya iyadoo Cristiano Ronaldo uu ku guuleysto waxay noqon lahayd wax cajiib ah.
“Runtii waxaan rajeynayaa inaan taas ka dhigi karno mid dhacda… kaliya ma ahan Portugal darteed, balse wax kasta oo Cristiano uu siiyay kubadda cagta iyo dunidaba.”
Be the first to comment