Arsenal Mise Man City? Gary Lineker Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Kadib Bar-barihii Arsenal Ee Wolves.

Gary Lineker ayaa shaaciyay saadaashiisii ugu dambeysay ee ku saabsan hanashada horyaalka Premier League, kaddib markii Arsenal ay rajo dheeraad ah siisay Manchester City iyagoo barbaro la galay Wolves.

Gunners-ka oo doonaya inay ku guuleystaan horyaalka markii ugu horreysay 22 sano gudahood, ayaa hoggaan labo gool ah ka helay Wolves oo ku jirta kaalinta ugu hooseysa ee horyaalka.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay u muuqatay inay 7 dhibcood ka fogaan doonto Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad, kaddib goolal ay kala dhaliyeen bilowga labada qaybood ee ciyaarta Bukayo Saka iyo Piero Hincapié.

Laakiin Wolves ayaa sameysay soo laabasho lama filaan ah, iyagoo helay dhibcahoodii 10aad ee xilli ciyaareedka isla markaana dhaawac ku noqday rajadii horyaalka ee Arsenal.

Arsenal ayaa si weyn u doonaya inay ku soo laabtaan wadada guusha Axadda marka ay la ciyaarayaan deriskooda waqooyiga London ee Tottenham Hotspur.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaankooda horyaalka ayaa laga yaabaa in lagu soo koobo laba dhibcood ka hor derbigaas, maadaama Manchester City ay la ciyaari doonto Newcastle United maalinta ka horreysa.

Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa qirtay inuu si weyn uga walaacsan yahay fursadaha horyaalka ee kooxdiisii hore kaddib barbaradii Wolves, halka Gary Lineker isaguna uu qiray in natiijadaas ay dharbaaxo ku ahayd hoggaamiyeyaasha horyaalka.

Si kastaba, weeraryahankii hore ee England ma filayo in barbarada lama filaanka ahi ay carqaladeyn doonto ololaha horyaalka ee Arsenal, wuxuuna weli taageersan yahay kooxda waqooyiga London inay Manchester City ka hor qaaddo koobka Premier League.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football, Gary Lineker ayaa yiri:

“Ma u maleyneysaa in Arsenal ay u baahan tahay inay xoogaa adkaato? Waan ogahay inay sahlanayn, balse waa inay is abaabulaan oo noqdaan kuwo firfircoon oo weerar badan”

“Ha noqdaan kuwo cadaadis saaraya marka ay hoggaanka qabtaan. Ma arrin maskaxeed baa ku haysata Arsenal? Mise waa hakad yar oo xilli-ciyaareedka ka mid ah oo koox kasta mar uun la kulanto?”

“Anigu wali waxaan filayaa inay ku guuleysan doonaan horyaalka, balse tani waxay noqon kartaa digniin yar oo ay u baahan yihiin si ay wax u saxaan. Manchester City hadda waxay kaliya shan dhibcood ka dambeysaa Arsenal, weliba waxay haystaan kulan kayd ah.”

Wuxuu sii watay hadalkiisa isagoo yiri:

“Su’aashu waxay tahay: ma awoodi doontaa Manchester City inay ahaato mid si joogto ah u heer sarreysa sida ay ahayd markii ay horyaalka ku guuleysanayeen afar xilli-ciyaareed oo isku xiga? Xilligaas, ku dhowaad kulamada oo dhan ayay guuleysan jireen marka la gaaro Kirismaska ka dib, mana jirin meel aad ka arki kartay inay dhibco luminayaan.

“Anigu si buuxda uma hubi in Manchester City ay gaartay heerkaas hadda ama ay noqon karto mid joogto u ciyaarta si ay ula jaanqaaddo oo uga daba timaaddo Arsenal.”

Hadalkaas ayaa muujinaya in inkastoo City ay khibrad iyo tayo leedahay, haddana su’aal laga qabo joogtaynta qaab ciyaareedkoodii cajiibka ahaa ee sannadihii hore ee Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga