“Laba Cisho Ayuu Soomay Ramadaanka”: Lama Filaan Laga Kashifay Nolosha Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu soomo bisha Ramadaan sanadkii hore intii uu joogay Al-Nassr, balse uu awooday oo keliya laba maalmood.

Hadalkan waxaa shaaciyay ciyaaryahankii hore ee Al-Nassr, Shaye Sharahili, oo la hadlay Thmanyah Sports.

Sharahili ayaa sheegay in ciyaarista kubadda cagta inta lagu jiro Ramadaanka iyadoo la sooman yahay ay ku adag tahay inta badan ciyaartoyda, gaar ahaan kuwa ajaanibta ah, sababtoo ah isbeddelka ku yimaada nolol maalmeedkooda — sida cunto, hurdo iyo jadwal tababar.

Wuxuu yiri:“Ciyaarista Ramadaanka ma sahlana, laakiin waxaa jira ciyaartoy si fiican ula qabsada, aniguna waan ka mid ahaa. Ciyaartoyda ajaanibta ah way ku adagtahay sababtoo ah wali uma baran, sidoo kale waa ku adag tahay inay ilaashadaan jadwalkooda maalinlaha ah sida cuntada, hurdada iyo caadooyinka kale ee muhiimka ah.

“Cristiano Ronaldo wuxuu isku dayay inuu soomo laba maalmood Ramadaankii, laakiin wuxuu ogaaday inay aad u adag tahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga