Ciyaaryahankii hore ee daafaca Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay inuu doorbidayo in Arsenal ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan halkii ay ka qaadi lahayd Manchester City.
Carragher, oo falanqeynayay kulanka kana hadlayay CBS Sports, ayaa sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in kooxda uu maamulo Mikel Arteta ay dhibco lumiyeen Arbacadii, kadib barbaradii 2-2 ee ay la galeen Wolverhampton Wanderers.
Goolkii dambe ee uu dhaliyay Tom Edozie, kaasoo kubadda ay ku dhacday Riccardo Calafiori kahor inta uusan gelin shabaqa, ayaa sababay in kooxda la dagaallameysa hoos u dhaca ay barbaro la gasho Gunners-ka.
Arsenal ayaa hadda ciyaartay hal kulan oo ka badan City, balse wali shan dhibcood ayay kaga horreysaa horyaalka.
Carragher ayaa yiri:
“Waxaan jeclaan lahaa Arsenal inay ku guuleysato sababtoo ah waxaan u maleynayaa inay u fiican tahay horyaalka in ay jiraan guuleystayaal kala duwan.
Waxay ka dhigan tahay inaan helnay saddex guuleyste oo kala duwan saddexdii sano ee ugu dambeysay, taas oo aan u arko inay tahay arrin wanaagsan.”
Be the first to comment