Hugo Bueno ayaa si qurux badan kubbad u laabay oo shabaqa geliyay, taasoo rajada u soo celisay Wolverhampton Wanderers iyadoo nus saac ay ciyaarta ka harsaneyd.
Kadib, kooxda ku jirta gunta horyaalka ayaa heshay gool barbaro ah daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaana dhaliyay Tom Edozie.
Barbaradan lama filaanka ah waxay ka dhigan tahay in Arsenal ay hogaanka ku hayaan kaliya shan dhibcood oo ay ka sarreeyaan kooxda kula tartameysa horyaalka ee Manchester City. Kooxda uu maamulo Pep Guardiola ayaa awood u leh inay farqiga ka dhigto laba dhibcood haddii ay badiso kulankeeda harsan.
Martin Keown ayaa qirtay in Arsenal ay lumisay “fursad weyn” oo ay ku adkeyn lahayd gacanta ay ku hayso koobka Premier League kulankii Wolves, wuxuuna sheegay in kooxda uu maamulo Mikel Arteta ay u baahan tahay inay si degdeg ah uga soo kabato, maadaama labo derby oo London ah ay ku soo wajahan yihiin.
ayaa Axadda booqan doonta derbiga Waqooyiga London ee ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur, ka hor inta aysan ku qaabilin Chelsea garoonka Emirates Stadium kulan ka tirsan premier League.
Martin Keown, oo saddex jeer ku guuleystay horyaalka, ayaa yiri isagoo ka hadlayay Premier League Productions:
“Ma oran karo ma aanan filaynin sababtoo ah ma uusan u muuqan mid raaxo leh Arsenal”
“Waxay u ekaatay inaan rajeyneyno inaan badino halkii aan ka aadi lahayn oo aan si buuxda u qabsan lahayn ciyaarta. Tani waxay cashar u noqon doontaa kooxda”
“Arsenal wali kama bixin tartanka laakiin waa inay hubiyaan in tani aysan noqon bilowga dhammaadka hamigooda horyaalka, isla markaana ay u adeegsadaan sidii tamar ay ku sii kiciyaan”.
Keown ayaa hadalkiisa sii watay isagoo ka hadlayay xaaladda Arsenal:
“Waxay haysteen fursad weyn oo ay caawa ku sii fogaan lahaayeen horyaalka, laakiin ma aysan lahayn go’aan iyo kalsooni ay ciyaarta ku soo afjaraan”
“Waa habeen xun, balse xilli ciyaareedku wali waa dheer yahay. hadii aad kufto waa in aad kacdaa — waa nolosha ciyaaryahan xirfadle ah”
“Arsenal waa inay wax ka beddeshaa xaaladda, laakiin xitaa haddii ay caawa badin lahaayeen ma dhammaan lahayn tartanka, haddana si dhab ah uma dhammaan hadda oo ay barbaro galeen”
“Arrinta ugu muhiimsan waa sida ay hadda uga falceliyaan, sababtoo ah ma sii wadi karaan inay hoggaan qabtaan kadibna dib loo soo qabto.”
Be the first to comment