Wolves Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Man City, Arsenal Ayay Bar-baro Ku Qabtay.

Kooxda Wolverhampton ayaa si lama filaan ah uga yaabsatay kooxdii martidada u ahaud we Arsenal, kadib markii ay ku qasbeen barbaro 2-2 ah kulan hore loo soo hormariyey oo ka tirsanaa wareegga 31-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League).

Arsenal ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 5-aad, markii Bukayo Saka uu madax ku dhaliyey gool, taasoo lagu soo gabagabeeyey qeybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqaddii 55-aad, daafaca reer Ecuador Piero Hincapié ayaa ku daray goolka labaad ee Gunners, balse daqiiqaddii 61-aad ayay kooxda martida loo ahaa dhimtay farqiga goolasha, kadib markii Hugo Bueno uu shabaqa soo taabtay.

Waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta, Arsenal ayaa la kulantay jug culus, markii daafaca Talyaaniga Riccardo Calafiori uu si qalad ah kubbad ugu leexiyey shabaqiisa, taasoo barbaro ka dhigtay natiijada ciyaarta.

Arsenal ayaa sidaas ku gaartay 58 dhibcood, iyagoo weli hoggaanka horyaalka haya, balse Manchester City ayaa hadda fursad u haysata inay sii yareyso farqiga dhibcaha, halka Wolverhampton ay weli ku sii jirto kaalinta ugu dambeysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga