Aabbaha Alexis Mac Allister ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in wiilkiisa lala xiriirinayo Manchester United, isaga oo ku adkeystay in wiilkiisu “kaliya ka fikirayo Liverpool” marxaladdan xilli ciyaareedka.
Xoojinta weerarka liita ee Ruben Amorim ayaa loo aqoonsaday mudnaanta koowaad ee Manchester United xagaagii la soo dhaafay, iyadoo Bryan Mbeumo, Matheus Cunha iyo Benjamin Sesko ay ku soo biireen heshiisyo lagu qiyaasay wadar ahaan £200 milyan.
Inkasta oo madaxda Old Trafford ay sidoo kale doonayeen inay keenaan khad dhexe oo daafac u dhow (deep-lying midfielder) si uu ugu habboonaado qaab ciyaareedka 3-4-3 ee Amorim oo si weyn loo dhaliilay, haddana tababaraha reer Portugal ayaa ugu dambeyntii niyad jabay markii waqtiga suuqa kala iibsiga uu dhammaaday iyadoo aan saxiixaas la helin.
War kasoo baxay The Daily Mirror toddobaadkan hore ayaa sheegay in Manchester United ay “si dhow ula socotay” xaaladda Alexis Mac Allister, isla markaana ay qorsheynayso isku day geesinimo leh oo ay kaga soo qaadanayso 27-jirka Anfield marka xilli ciyaareedku dhammaado.
Inkasta oo Mac Allister uu qandaraas kula jiro Liverpool ilaa sanadka 2028, haddana waxaa jiray warar sheegaya in xiddiga reer Argentina laga yaabo inuu fikradiisa beddelo haddii fursad sax ah ay soo baxdo.
Laakiin markii wax laga weydiiyay wararkan, aabbaha Mac Allister, Carlos, ayaa u sheegay winwin:
“Alexis hadda wuxuu kaliya ka fikirayaa Liverpool.”
“Waxaan sugaynaa dalab lagu kordhinayo qandaraaskiisa.”
“Waxaan arki doonnaa waxa qorshaha kooxdu yahay.”
Markii la weydiiyay haddii wiilkiisa laga yaabo in laga dhaadhiciyo inuu baxo haddii aan heshiis kordhin ah la gaarin, wuxuu ku jawaabay:
“Waan sugi doonnaa oo arki doonnaa waxa ku dhaca arrinta qandaraaska kordhinta. Intaas kaliya.”
Be the first to comment